4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 15, 2022
Macalin Dugsi Quraan iyo Ganacsade Caan ahaa oo siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho


Jimco, Luulyo, 15, 2022 (HOL) - Kooxo la sheegay iney ahaayeen burcad ayaa Xalay degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir waxay ku kala dileen Macalin Dugsi Quraan iyo  Ganacsade caan ahaa.

Macalinka dugsi Quraanka ayaa lagu dilay degmada Kaaraan ee gobolka Baanadir ayaa lagu magacaabi jiray Nuur Maxamed Jimcaale, kaasoo la sheegay inuu Kitaabo ka aqrin jiray Masjid ku yaala Waaxda Nageeye ee degmada Kaaraan, waxaana burcada ay u dishay sida la sheegay taleefoonkiisii gacanta uu ku sitay oo ay ka qaateen.

Burcada dishay Macalin Nuur Maxamed ayaa dadka deegaanka tilmaameen iney ku hubeysnayeen qoryaha AK47, kuwaas oo dilka Macalinka kadib si deg deg ah uga baxsaday goobta.

Waxaa sidoo kale Xalay xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir lagu dilay ganacsade caan ka ahaa Muqdisho oo lagu magacaabi jiray Sheekh Salaad Ciise.

Lama oga cida ka dambeysay dilka ganacsadaha waxaana la sheegay in dilkiisa ay geysteen rag dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaas oo dilka kadib si deg deg ah goobta uga baxsaday.

Dilalkaan ayaa kusoo beegmaya xili maalmahii dambe uu sii xumaanayay amaanka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya oo ay si weyn ugu soo kordhayeen burcada hubeysan ee dhaca iyo dilalka u geysta dadka shacabka ah ee ku nool gudaha Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]