4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 14, 2022
Puntland oo dhaqaale xumo awgeed u sixi la' imtixaankii shahaadiga ee dugsiayda sare
 

Khamiis, July 14, 2022 (HOL) - Wasiirka waxbarashada maamulka Puntland, Cabdullaahi Jaamac Xasan, ayaa sheegay inay la’yihiin dhaqaale ay ku saxaan imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 4-aad dugsiyada sare.

Wasiirka waxbarashada ayaa hadalkaan ka sheegay, xilli uu maanta warbixin siinayay barlamaanka Puntland oo ugu yeeray in laga dhegaysto waxqabadka wasaaraddiisa.

In ka badan shan kun oo arday oo sannadkan dhammaysay dugsiyada sare ayay arrintaan caqabad ku tahay, kuwaas oo isku diyaarinayay inay jaamacaddaha ku biiraan.

Wasiirka waxbarashada waxa uu sheegay in dhaqaalaha laga qaado waallidiinta ardayda, kaas oo dhan celcelis ahaan 46%, uusan ku filnayn howsha sixitaanka imtixaanka.

Hay’adaha Puntland ka taageeri jiray sixida imtixaanaanadka, ayaa gebi ahaanba joojiyay taageeradoodii dhaqaale, taasoo ahayd 40%, sida uu sheegay wasiirka waxbarashada Puntland.

Puntand, waa maamulka kaliya ee ka madax bannaan imtixaanka ay qaado dowladda federalka Soomaaliya. Sidaas oo ay tahay sannadihii ugu dambeeyay, Puntland waxay la kulmaysay caddaadis ku aadan inay ka qeyb gasho imtixaanka dowladda ay qaaddo.