4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 14, 2022
Gaalkacyo: Maxaabiis Alshabaab ah oo dil ku xukumnaa oo baxsaday iyo Puntland oo baafinaysa
 

Khamiis, July 14, 2022 (HOL) - Laamaha amniga Puntland ayaa faafiyay sawiradda saddex dhallinyaro ah oo ay sheegeen inay abaal marin lacageed ku siinayaan ciddii soo sheegta xogtooda.

Saddexdan dhallinyaro ayaa katirsanaa shabakad katirsan Alshabaab, kuwaas oo horey dil loogu xukumay, kadib markii lagu helay inay dilal iyo qaraxyo ka geysteen magaalada Gaalkacyo.

Waxaa lagu kala magacaabaa raggaan; Xasan Isaaq Maxamed, Maxamed Cali Maxamed (Istakiin) iyo Liibaan Ciise Cali (Madaxkariye) waxayna kamid ahaayeen Shabaabkii Gaalkacyo dadka ku layn jirey, sida laamaha amnigu sheegeen.

Laamaha amniga ayaa raggan midkiiba madaxiisa dul dhigay lacag dhan $2,000, lacagtaas oo la siinayo qofkii soo sheega xogta halka ay ku sugan yihiin.

Dhinaca kale, warar ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay raggaan ka baxsadeen xabsi ammaankiisa aad loo ilaaliyo oo kuyaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Waxaa soo baxaysa xog sheegaysa in maxaabiistan oo isku dayday inay baxsaan qaar kamid ah la toogtay, halka kuwa kalena la qabtay.

Waa markii labaad oo maxaabiis katirsan Alshabaab ay ka baxsadaan xabsiyada Puntland muddo labo sano gudaheed.

Horey, xabsi kuyaal magaalada Boosaso waxaa ka baxsaday maxaabiis boqolaal ah, kadib markii Alshabaab ay weerareen oo qabsadeen xabsiga.