4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 14, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay degmada Janaale ee gobolka Sh/hoose

Khamiis, July 14, 2022 (HOL) -Wararka ka imaanaya degmada Janaale ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in Xalay halkaasi uu dagaal culus ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamo ka tirsan kuwa Al-shabaab oo weerar ku qaaday gudaha degmadaasi.

Dagaal ayaa la sheegay inuu ka dhacay Saldhiga degmada Janaale halkaas oo ay weerarka toos ugu qaadeen Al-shabaab, waxaana lasoo wariyay in dagaalkaasi uu geystay khasaare kala duwan oo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee aanan la xaqiijin karin inta uu dhan yahay.

Goobjoogayaal deegaanka ku sugan oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen in dagaalka uu ahaa mid aad xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo qalqal xoogan ku beeray dadka degmada Janaale oo mar qura ku toosay daryanka rasaasta iyo hubka culus.

Taliyaha ciidanka Ururka 83-aad Nuuradiin Xuseen oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay iney is difaaceen weerarka ka yimid dagaalamayaasha Al-shabaab, islamarkaana sheegay iney khasaare xoogan gaarsiyeen.

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan oo kale ah waxay ku qaadaa fariisamaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, waxaana ka dhasha khasaaroyin kala duwan oo kala gaara labada dhinac iyo dadka shacabka ah ee ku sugan deegaanada ay dirirtu ku dhex marto ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online