5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 9 , 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo wada hadal la qaatay madaxweynaha Shiinaha
 

Jimco, December, 9, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galaya Shirka Shiinaha iyo dalalka Carabta ee ka socda dalka Sacuudiga ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Shiinaha, Xi Jinping.

Madaxweyne Xasan Sheilkh ayaa la wadaagay madaxweynaha Shiinaha dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, isagoo xusay guulaha ay gaareen Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya bulshada deegaannada ay ku sugnaayeen Alshabaab.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa tilmaamay in dalkiisu uu mar waliba aaminsan yahay midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, isagoo soo bandhigay sida uu dalkiisa uga go'an yahay garab istaaga Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ay kula jirto Alshabaab, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta qorshaha deyn cafinta.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sida Shiinuhu ay saaxiib dhow ula ahaayeen Soomaaliya, iyagoo ka fuliyey mashaariic dhaxal-gal ah oo ilaa maanta ay dheefsadaan shacabka Soomaaliyeed.