4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 9 , 2022
Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Uganda oo Soomaaliya u yimid qiimaynta ciidamada Uganda
 

Jimco, December, 9, 2022 (HOL) - Wafdi xildhibaano ah oo ka socda baarlamaanka Uganda ayaa booqasho shaqo shan maalmood ah ku jooga Soomaaliya, si ay u qiimeeyaan doorka ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaysa guddoomiyaha guddiga Difaaca iyo arimaha gudaha ee Baarlamaanka, Rosemary Nyakikorongo, waxaa sidoo kale ka mid ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee u qaabilsan Arrimaha ciidamada, Huda Abason Oleru, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda gaashaandhigga ee dalkaas.

Wafdigu waxay la kulmeen danjiraha qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo madaxa ATMIS, Ambassador Mohammed El-Amine Souef iyo Ku-simaha Taliyaha ATMIS, Brig. Gen. Keith Katungi.

"Waxaa guul weyn laga gaaray soo celinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, tanina waxaa la rumeeyay inta badan sababtoo ah taageerada dowladda iyo shacabka Uganda," ayuu yiri danjire Souef.

Danjire Souef, ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Baarlamaannada Federaalka, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo shacabka Soomaaliyeed inay ka go’an tahay sidii dalka looga xoreyn lahaa khatarta Al-Shabaab.

Wasiiru dowlaha gaashaandhigga ahna Madaxa Arrimaha ciidamada, Huda Abason Oleru, ayaa beesha caalamka ku ammaantay taageerada ay siinayaan howlgallada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, kuwaasoo ay sheegtay inay u oggolaatay dalka inuu horumar ballaaran ka sameeyo dib u soo celinta xasilloonida.

Xildhibaanadan ayaa booqandoona saldhigyada ciidamada Uganda, waxaana ay la kulmi doonaan wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada XDS.