5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 9 , 2022
Taliyaha hay'adda nabad sugida Soomaaliya oo ka hadlay geerida taliyihii NISA ee gobolka Gedo
 

Jimco, December, 9, 2022 (HOL) - Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa ka tacsiyeeyay geerida Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Bakaal Kooke) oo ahaa Taliyihii NISA ee gobalka Gedo, kaas oo lagu dilay Qarax ka dhacay duleedka degmada Luuq.

“Bakaal wuxuu shahiiday isagoo xaqa ku taagan, naftiisana u hibeeyay sidii dalka iyo dadka looga dulqaadi lahaa cadowga Khawaarijta ah.” ayuu yiri Taliyaha NISA.

Taliyaha hay’adda nabad sugida, Mahad Salaad wuxuu amray qeybta baarista ee NISA in baaritaan dhab ah lagu sameeyo kiiska geerida taliye Bakaal.

Wuxuu sidoo kale sheegay in howlgallada dalka looga ciribtirayo Alshabaab uusan u joogsan doonin dhibaato kasta oo soo gaara saraakiisha u taagan difaaca dalka iyo dadka.

Alshabaab ayaa dhammaadka bishii September qarax caynkaan oo kale ku dilay taliyihii ciidanka booliska gobolka Banaadir, Farxaan qaroole, oo hoggaaminayay howgal laga sameeyay tuulada Basra.