5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 9 , 2022
Taliyihii hay'adda nabad sugida iyo sirdoonka ee gobolka Gedo oo qarax lagu dilay
 

Jimco, December, 9, 2022 (HOL) - Qarax gaarigiisa lala eegtay ayaa lagu dilay taliyihii hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ee gobolka Gedo Cabdiraxmaan Bakaal Kooke.

Gaariga ayaa ku qarxay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Luuq iyo Doolow. Sidoo kalena waxaa qaraxa ku dhaawacmay taliyihii hore ee NISA ee degmada Luuq.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga qarax loogu xiray. Ururka Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dilkiisa, iyagoo sheegay inay xalay la beegsadeen weerar qorshaysan.

Taliyaha iyo saraakiil kale oo la socday ayaa la sheegay inay kusii jeedeen degmada Doolow ee gobolka Gedo.  

Marxuumka waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa shakhsiyaadka ugu awoodda badnaa Gedo, marka loo eego sidii uu maamulka Jubbaland ugu diiday in uu ka howlgallo gobolka Gedo.

Bishii August ee sannadkii 2021 ayaa loo magacaabay taliyaha nabad sugida gobolka Gedo.