5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 9 , 2022
Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku heshiiyey inay si wadajir ah ula dagaalamaan Al-Shabaab
 

Jimco, December, 9, 2022 (HOL) - Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey in sare loo qaado dagaalka ka dhanka ah  Al-Shabaab,kadib wadahadal dhexmaray Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Itoobiya, Field Marshal Berhanu Jula.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wadahadleen arrimo khuseeya labada dal.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay ka qeyb qaadanayaan xaqiijinta amniga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo dhinaca kale ugu baaqay dowladda Itoobiya inay sii waddo taageerada ay u fidiso Soomaaliya.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya, Field Marshal Berhanu Jula, ayaa carrabka ku dhuftay doorka ay Itoobiya ka ciyaareyso iskaashiga wadamada ay saaxiibada yihiin ee nabadda iyo amniga gobolka, isagoo adkeeyay baahida loo qabo in sare loo qaado iskaashiga labada dal si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasiloonida gobolka.

Jula oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay ka go’an tahay Ciidamada Difaaca Itoobiya in ay taageero tayo leh u fidiyaan Ciidamada  Ammaanka Soomaaliya.