4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 23, 2022
Beesha Saleebaan oo si adag u beeniyay inay heshiis la gaareen Alshabaab
 

Jimco, December, 23, 2022 (HOL) - Beesha reer Xaaji Saleebaan ayaa si adag u beenisay bayaan kasoo baxay kooxda Alshabaab, oo lagu sheegay in beesha iyo Alshabaab ay gaareen heshiis nabadeed oo lagusoo afjarayo colaadda dhextaalo labada Dhinac.

Alshabaab ayaa bayaan ay ku daabaceen warbaahinadooda, waxay ku sheegeen in beesha reer Xaaji Saleebaan ay isla gaareen heshiis sheegaya inay beeshu ka hortimaado duullaanka loogasoo horjeedo Alshabaaab.

Kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka iyo cuqaasha reer Xaaji Saleebaan, waxay ku tilmaameen, wax aan waxba ka jirin heshiiska Alshabaab, waxayna sheegeen inaysan Alshabaab ka dhaxayn wax aan colaad iyo dagaal ahayn.

Beeshu waxay sheegtay dadka heshiiska ku saxiixan oo lagu sheegay nabadoono, inay yihiin odayaal horey Alshabaab ugu biiray.

Beeshu waxay sheegtay inay Alshabaab ku dilayaan meeshii lagu arko, islamarkaana aan loo ilaabi doonaan dhibaatadii ay ka geysteen gobolka Galgaduud.

Waxay Alshabaab ku eedeeyeen inay xasuuqday dad badan oo kasoo jeeda beeshooda, kuwa kalena ay barakaciyeen, kaddib markii ay ku gubeen deegaanadooda.