4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 22, 2022
Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday in ay sii daysay askar Jabuutiyaan ah oo ay afduub u haysteen kooxo hubeysan
 

Khamiis, December, 22, 2022 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sheegtay inay siidaayeen lix ka tirsan Ciidamada dalka Jabuuti oo ay haysteen garabka hubaysan ee  FRUD, sida ay baahisay Warbaahinta dalka Itoobiya.

Askartan ayay kooxdani ku qabsadeen weerar ay Jabhadda FRUD bishii October ee sannadkan ay ku qaaday xero ay lahaayeen ciidanka Jabuuti, halkaas oo lagu dilay 7 kamid ah Askarta Jabuuti tiro kalena lagu dhaawacay.

FRUD ayaa la'aasaasay sannadkii 1991kii wakhtigaa oo ay billaabeen kacsoon ka dhan ah dowladda Jabuuti, intaa kaddib FRUD ayaa labo garab noqday garab kamid noqday xukuumadda Jabuuti iyo garab kale oo hubaysan oo ku mucaarad ah dowladda Jabuuti, iyadoo dowladduna ay 12kii October garabkan hubaysan ee FRUD u aqoonsatay Argagaxiso.

Itoobiya ayaa sheegtay in Askartan Jabuutiyaanka ah ee laga siidaayay Jabhaddan hubaysan ee FRUD ay ku laabteen dalka Jabuuti.