4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 22, 2022
Qarax lagu dilay askar ka tirsan ciidanka Kenya oo ka dhacay gobolka Waqooyi Bari Kenya
 

Khamiis, December, 22, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo lagula beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dalka Kenya  deegaan u dhaw magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in kooxda Shabaab la beegsadeen gaari ay saarnayeen ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Kenya oo ilaalo u ahaa shaqaale dhisma ka wadada Tareenada ee magaalada Gaarisa.

Weerarka qaraxa ee lala eegtay ciidanka ka tirsan Booliiska Kenya ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen laba ka mid ah askarta Booliiska dalkaas ee saarneyd gaariga qaraxa haleelay iyo qof dumar ah, waxaana istaagay shaqadii dhismaha ee ka socotay wadadaasi.

Al-shabaab ayaa inta badan deegaanada gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ka fulisa weeraro khasaare geysta oo isugu jira qaraxyo iyo kiwa toos ah oo ay la beegsadaan ciidamada Kenya, xiliyada ay ku socdaalayaan wadooyinka gobolada Waqooyi Bari Kenya.