4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 22, 2022
Cabdimaalik Muuse Coldoon oo xabsiga Hargaysa laga sii daayay
 

Khamiis, December, 22, 2022 (HOL) - Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ah saxafi u olloleeya in laga foojignaado dhaqamada shisheeye, oo xabsiyada Somaliland ku jiray tan iyo 19, 8, 2021, ayaa ugu danbayn xabsiga laga sii daayay.

Cabdimaalik oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu dhamaystay xukun laba sanno oo xabsi ah, ayaa sheegay in lagu qoonsaday kadib markii uu ku baaqay in wanaaga la is faro xumaantana layska reebo.

"Intii aan la i soo xidhin waxaan ka hadlayay dhagaraha gaalada iyo dhibkay inagu hayaan iyo in aynu ka digtoonaano, waxa aan ka shaqaynayay wanaag farista iyo xumaan reebista Alle ina faray" ayuu yidhi Coldoon.

Waxa uu sheegay in aan loo xidhin hadaladii uu ka sheegay dugsiga Abaarso darteed lakiin loogu soo gabaday "Qadiyadayda waxa laga dhigay in aanu iskuul is haysano, waar iskuul isma haysano, ashkhaas gaar ah isma haysano, ee marka la maxkamadaynayo ayaa qofka laga dhigaa in ay cid gaar ah is hayaan".

Waxa uu sheegay in lagu eedeeyay in uu ceebeeyay oo uu warar been abuura ka faafiyay dugsiga abaarso, isago sheegay in waalidka ardayda dugsiga Abaarso, ay eedo usoo jeediyeen isaguna uu aayadaha Qur'aanka iyo caddaymo kale isku difaacay.

Waxa uu xusay in kadib dood dheer iyo caddaymo badan oo uu isku difaacay maxkamadu sii daysay, isla markaana ay amartay in lasii daayo, lakiin dib loogu celiyay jeelka oo maxkamad kale 2 sanno oo xadhiga iyo 3 milyan oo shilin oo ganaaxa ku xukuntay, iyadoo aan danbe kale lagu helin.

Coldoon  maxkamada waxa uu ku eedeeyay in lagu xukumay kitaab aan ahayn, kitaabka Qur'aanka, waxa uu sheegay in uu codsaday in kitaabka Alle lagu xukumo lakiin laga diiday, wuxuna ku tilmaamay mid baadil ah.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]