4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 15, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh oo la kulmay dhiggiisa dalka Maraykanka Joe Biden

Khamiis, December, 15, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayay Munaasabad ku qabsoomtay Aqalka Cad, ayaa la kulmay dhigiisa dalka Maraykanka Joe Biden.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay, in madaxweyne Xasan Sheikh uu la wadaagay madaxda iyo diblumaasiyiinta Maraykanka, xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Waxaa kale oo madaxtooyadu ay sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya uu la wadaagay dhiggiisa dalka Maraykanka, guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay Alshabaab.

Warsaxafaadeedka waa sidoo kale lagu sheegay, in madaxweynaha dalka Maraykanka uu bogaadiyey howlgallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, isagoo ammaanay awoodda ciidamada Soomaaliya ay u leeyihiin ciribtirka Alshabaab.

Biden ayaa sidoo kale adkeeyey taageerada joogtada ah ee ay dowladdiisa Maraykanka la garab taagan tahay Soomaaliya.

Waa kulankii labaad uu madaxweyne Xasan Sheikh la yeesho madaxweynaha Maraykanka, tan iyo markii bishii may ee sannadkan dib loogu doortay hoggaanka dalka.