4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 15, 2022
Jubbaland oo shirqool ku tilmaamtay dilka taliyihii hay'adda nabad sugida ee gobolka Gedo
 

Khamiis, December, 15, 2022 (HOL) - Wasiirka amniga maamulka Jubbaland, Sareeye gaas, Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal, ayaa ugu baaqay dowladda federalka Soomaaliya inay baaritaan ku sameyso dilka taliyihii hay’adda nabad sugida gobolka Gedo, Bakaal Kooke.

Taliyihii hay’adda NISA ee gobolka Gedo, ayaa dhawaan lagu dilay qarax lagula eegtay isagoo safar ku marayay inta u dhaxeysa degmooyinka Luuq iyo Doolow ee gobolka Gedo.

Wasiirka amniga Jubbaland Mr. Dhuumaal ayaa sheegay inuu kiiskan yahay mid mugdi badan ku hareeraysan yahay, lana tuhunsan yahay in dhinacyo badan ay ku lug leeyihiin.

Sareeye Gaas. Dhuumaal wuxuu sheegay ka hor taliyaha, inuu jiray khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyay siyaasiyiin uu sheegay in aysan ka shaqeynayn danaha gobolka Gedo.

“Runtii, arrintu waxay ahayd arrin shirqool ah, muddaba la daba socday ninka kan. Qaabkii lagu dili lahaa haloo adeegsanayo gacan Khawaarij ama gacan kale oo dad ku dhow hala adeegsado, waa wax cad. Waa wax information-keeda la hayay. Taasina waqti kaste ha noqotee way soo bixidoontaa,” ayuu yiri wasiirka amniga Jubbaland.

Wasiirka wuxuu ugu dambayn sheegay inuu soo dhoweynayo baarista hay’adda nabad sugida, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo.