4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 15, 2022
Wasiiradda Waxbarashada Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay arrimaha Waxbarashada Soomaaliya
 

Khamiis, December, 15, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kulan kula qaatay dhigiisa Wasiirka Waxbarashada ee Turkiga, Mohmut Ozer.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa sheegay inuu dhigiisa dalka Turkiga uu la wadaagay xaalada guud ee Waxbarashada Soomaaliya iyo caqabadaha adag ee horyaala Wasaaraddiisa.

"Afar milyan oo caruur Soomaaliyeed ah oo jooga da'dii Waxbarashada ayaan maanta haysan fursad waxbarashadii aasaasiga ahayd, waana baahi weyn oo in deg deg wax looga qabta u baahan, waxaa sidoo kale la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Waxbaraahada sidii nalooga caawin lahaa tayaynta, iyo baahinta Waxbarashada Soomaaliya, iyadoo xusid mudan tahay in dalka Turkiga 10-kii sano ee lasoo dhaafay uu fursado waxbarasho siinaayay dadka Soomaaliyeed" ayuu yiri Wasiir Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Gabagabadii Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa dawladda Turkiga uga mahad celiyay kaalmada hagar la’aanta ah oo ay u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana kulanka wasiirka ku wehliyay Danjire Jaamac Caydiid oo ah safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga iyo Sharaf Xasan oo ah u qaybsanaha arrimaha waxbarashada.