4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 15, 2022
Soomaaliya oo la wareegtay shir guddoonka golaha Midowga Dhaqaalaha Dalalka Carabta
 

Khamiis, December, 15, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta la wareegtay halka sano ee soo socota, shir guddoonka golaha Dhaqaalaha ee Dalalka Carabta, kaddib shir ka dhacay Suudaan.

Wasiirka maaliyadda ee xukuumada federalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamed Nuur ayaa guddoomiye looga dhigay golahan. Isagoo ku matalidoona Soomaaliya.

Go’aankaan ayaa lagu sheegay intii lagu guda jiray shirka Golaha Midowga Dhaqaalaha Wadamada Carabta oo sanadkaan ay shir guddoomisay Dowladda Suudaan.

Shirkaan ayaa looga hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya hay'adda maaliyaddeed ee Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi M. Nuur ayaa kulankan ka jeediyay khudbad ku saabsanayd marxaladda Soomaaliya, sida dib-u-haneynta Maaliyadda, dhameystirka Deyn-Cafinta iyo xiriirka xoojinta hay'adda dhaqaalaha dalalka Carabta.