4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 15, 2022
Gabadh yar oo uu waraabe ku cunay magaalada Hargaysa
 

Khamiis, December, 15, 2022 (HOL) - Gabadh yar oo 5 jir ah ayaa xalay uu waraabe dhaawacyo halis ah ugu gaystay degmada Macalin Haaruun ee magaalada Hargaysa.

Cumar Diiriye Xirsi oo ah aabaha dhalay gabadha yar, oo Bulsho TV waraysi gaar ah siiyay, ayaa sheegay in uu waraabuhu gabadha yar weeraray xili ay guriga kasoo baxday xalay maqribkii.

"Xiligii Salaada Maqrib lagu jiray ayay ciyaalkii qaar kamid ahi u baxeen dibada, iyaduna way soo baxday oo kadinka ayay isa soo taagtay, bahalkuna wuxuu kaga soo booday xidh yar oo guriga ka danbeeya" ayuu yidhi Diiriye.

Farax Maxamed Maxamuud oo ah gabadha yar hooyadeed ayaa iyaduna Bulsho u sheegtay in ayadu ay guriga ka maqnayd markii uu weerarku dhacay lakiin ragii xaafadu ay ka rideen waraabaha markii ay maqleen qaylada dumarka.

"Anuu waan ka yar maqnaa lakiin inan aan guriga kaga tagay ayaa joogtay, wuu dumar saday oo qayladii kumuu dhigin, raguna masaajidada ayay ku jireen wakhtigaa, lakiin markii danbe qayladii ragii masaajidka ayaa soo yaacay oo niman ayaa ka riday" ayay tidhi Farax.

Waxay sheegtay in inanta yar uu waraabuhu madaxa qabtay oo ay dhaawacyo badan madaxa ka qabto, dhinaca kale dhakhaatirka Isbitaalka Wayn ee Hargaysa, ayaa sheegay in ay gabadha yari dhaawacyo halisa qabto lakiin ay la tacaalayaan.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]