4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 15, 2022
Mareykanka oo ku dhawaaqay $411m oo dheeri ah oo loogu talagalay gurmadka abaaraha Soomaaliya
 

Khamiis, December, 15, 2022 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday lacag dheeri ah oo lagu taageerayo howlaha gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya iyadoo ay jirto aragtiyo kala duwan oo laga qabo xaaladda abaarta ee Soomaaliya ka jirta.

Madaxa USAID, Samantha Power ayaa ku dhawaaqday in dowladda Mareykanka ay ku deeqeyso $411 oo dheeri ah si loo xoojiyo dadaallada bini'aadantinimo ee Soomaaliya.

Lacagtaas ayaa hadda ka dhigaysa $1.3 bilyan kaalmada Mareykanka ee Soomaaliya sanadkan oo keliya, sida ay sheegtay Power.

Madaxa bini'aadantinimada ee Mareykanka ayaa intaa ku dartay in gargaarka bini'aadantinimo uu hakiyay macluushii ka jirtay Soomaaliya balse xaaladdu ay weli tahay mid aad u adag.

Guddi Qaramada Midoobay u qaabilsan dib u eegista macaluusha ayaa toddobaadkan sheegay in abaaraha ka jira gudaha Soomaaliya aysan gaarin heerkii macluusha loogu gudbyay.

Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya ayaa labaduba sheegay in macluusha laga hortagay balse hay’adda Norwegian Relief Council (NRC) ayaa Arbacadii ka digtay in Soomaaliya ay horay ugu jirtay macluul darran.