4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 15, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya guddoomiye Waaxeed lagu dilay degmada Garbahaareey
 

Khamiis, December, 15, 2022 (HOL) - Kooxo hubeysan ayaa Xalay xaafada Xaashiweer ee duuleedka degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo ku dilay mid ka mid ah guddoomiye Waaxeedyada magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.

Marxuumka la dilay oo ka mid ahaa maamulka degmada Garbahaareey ayaa ahaa shaqsi si weyn looga yaqiinay magaaladaasi, waxaana lagu magacaabi jiray Maxamed Sheekh.

Dableyda hubeysan ee fulisay dilka guddoomiye Waaxeedka oo lala xariirinayo iney ka tirsanayeen Ururka Al-shabaab ayaa si deg deg ah uga baxsaday goobta ay ku dileen Marxuumka, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degmadaasi oo howlgallo ka sameeyay xaafadda uu dilka ka dhacay, hayeeshee lama sheegin cid ay uso qabteen falkaasi.

Deegaanada gobolka Gedo ee maamulka Jubbalad waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan, qaraxyo iyo weeraro ay geystaan kooxda Al-shabaab, waxaana ugu dambeeyay weerarkii lagu dilay taliyihii Nabadsugida ee gobolka Gedo, Marxuum Bakaal Kooke oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay inta u dhaxeyso degmooyinka Luuq iyo Doolow ee gobolka Gedo.