4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 10, 2022
Qaramada Midoobay oo ku boorisay dowladda Soomaaliya inay horumariso xuquuqul insaanka
 

Sabti, December, 10, 2022 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa ku boorisay dowladda Soomaaliya ilaalinta xuquuqda aadanaha si loo hubiyo in qof kasta, oo ay ku jiraan bulshada taagta daran iyo kuwa la heyb sooco, dadka naafada ah, kuwa gudaha ku barakacay, si ay si buuxda u helaan xuquuqdooda iyo xorriyadooda.

"Waxaan soo dhaweyneynaa sannad-guuradii 75-aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha (UDHR), oo ah aasaaska adduunka ee horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, Waa inaan sii wadnaa sidii aan u fulin lahayn ballanqaadkeeda ku aaddan xuquuqda aadanaha oo dhan,” ayay tiri ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.

Anita Kiki Gbeho waxay sheegtay inay Soomaaliya gaartay guulo lagu horumarinayo laguna ilaalinayo xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan xuquuqaha ku qeexan Dastuurka KMG ah ee dammaanad qaadaya xuquuqda iyo xorriyadaha dhammaan Soomaalida.

Xuska sannadkanayaa ah ‘Sharafta, Xoriyadda, iyo Caddaaladda Dadka oo dhan.’ Maalinta Xuquuqul Insaanka ayaa la xusaa sanad walba 10-ka Diseembar, Waa maalintii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay UDHR sannadkii 1948-kii.