5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 10, 2022
Kulankii Golaha Shacabka oo Maanta u baaqday Kooram la'aan darteed
 

Sabti, December, 10, 2022 (HOL) - Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la'aan, kadib markii ay Xildhibaanadda kulanka soo xaadiray ay gaari waayeen tirada loogu tqlo galay in lagu furo kulanka Golaha Shacabka.

Inkastoo aanan la shaacin Ajendaha looga hadli rabay fadhiga maanta ka baaqday Golaha Shacabka ayaa hadana guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow wuxuu warbaahinta ka hor sheegay in kulanka ay soo xaadireen 78 Xildhibaan, halka la rabay iney soo xaadiraan ugu yaraan 139 Xildhibaan.

“78 xildhibaan ayaa joogto, kooramkana wuxuu ku furmayaa Baarlamaanka 139 xildhibaan, annaga oo og dhibaatooyinka ka jira dhinaca baaritaanka iyo amniga haddane xildhibaanka waa imaan lahaa haddii aan isku dayno inaan xilli hore imaano,  Sida uu sharciga qabo marka kooramka waa noo buuxsami waayey Maanta shirkeena waan xiraneynaa, laakiin maalinta Isniinta ah ayada oo doodo ay jiraan haddane inaan maqnaano aad ayey xun tahay" ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka labaad Cabdullaahi Cumar.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshiroow ayaa sidoo kale tilmaamay iney jiraan Mooshino ay u gudbiyeen Xildhibaannada Golaha, inkastoo uusan shaacin nooca uu yahay Mooshinka loo soo gudbiyay guddoonka, wuxuuna Xildhibaanada ku booriyay iney waqti hore soo xaadiraan fadhiga soo socda oo ku beegan Isniinta soo socota.