4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 10, 2022
Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay howlgalo lagu dilay 13 xubnood oo ka tirsan Shabaab
 

Sabti, December, 10, 2022 (HOL) - Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalo Maanta ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe.

Jenaraal Odawaa Yuusuf ayaa sheegay in howlgal qorsheysan uu ka dhacay deegaanka Dhabaq libeey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu bartilmaameedaday xubno ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay ilaa 13 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo uu ku jiray horjooge magaciisa lagu soo koobay ina Geed Seexde, xili ay isku uruursanayeen duleedka degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo dhawaan laga saaray kooxda Shabaab.

Dhinaca kale ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa howlgalo ka sameeyay inta u dhexeysa deegaanada Basra iyo Sabyo, halkaas oo la sheegay in lagu beegsaday xubno ka tirsan dagaalyahanada Ururka Al-Shabaab.

NISA ayaa sheegay in howlgaladaas lagu dilay xubin ka tirsan Shabaab, islamarkaana nolosha lagu qabtay laba kale oo ka tirsan Shabaab oo watay hub iyo waxyaabaha qarxa.

Howlgaladaan ayaa imaanaya, iyadoo ciidanka dowladda Soomaaliyabay kordhisay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.