4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 10, 2022
Booliiska Soomaaliya iyo Itoobiya oo kala saxiixday heshiisyo iskaashi
 

Sabti, December, 10, 2022 (HOL) - Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jenaraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo safar shaqo ku jooga magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa halkaasi heshiis iskaashi kula saxiixday dhigiisa Taliyaha ciidanka Booliiska dalka Itoobiya Janaraal Damelesh Garbamichel.

Taliyeyaasha Booliiska dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyay iskaashi dhanka amniga iyo wadashaqeyn la xariirta wadaagista xogaha kala duwan ee la xariira shaqada ciidanka.

"Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo safar shaqo ku joogo magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa heshiis iskaashi dhanka amniga ah iyo sare u qaadidda tababarrada Ciidanka Booliska la saxiixday Taliyaha Ciidanka Booliska Federaalka Itoobiya Janaraal Damelesh Garbamichel" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Taliska Soomaaliyeed.

Heshiiskaan ay kala saxiixdeen taliyeyaasha Booliiska Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa imaanay, iyadoo mudooyinkii dambe uu soo hagaagay xiriirka ka dhaxeeyaha dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya.