4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 26, 2022
Itoobiya oo sheegtay inay beegsanayso goobaha ay ku sugan yihiin Kooxda TPLF

Jimco, Agoosto, 26, 2022 (HOL) - War goor dhawayd kasoo baxay dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay go'aamisay inay qaadayso tallaabo lagu bar-tilmaameedsanayo goobaha ay ku sugan yahiin Kooxda TPLF.

Sidoo kale dowladda Itoobiya ayaa shacabka ka ag dhaw goobaha lagu tuhmi karo inay ku sugan yihiin kooxda TPLF, ugu baaqday inay ka fogaadaan, maadaama ay dhici karto inay dhibaato soo gaarto shacabka.

Warkan kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa kusoo hagaagaya xilli wakhti yar ka hor ay duqayni ka dhacday magaalada Mekele, duqeyntaas oo sida TPLF sheegayso khasaare badan gaysatay.

Dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF oo dagaalkoodan dambe marayo maalintii saddexaad ayaa midba kan kale ku riixayaa inuu jabiyay xabad joojintii bilaha yar jirtay, iyadoo haatan u muuqata inay dhimatay rajadii laga qabay in wada hadal lagu xaliyo dhibka ka dhex jira Itoobiya iyo TPLF.