4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 26, 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo goordhaw safarkiisii ugu horeeyay ee dalka dibadiisa ah ugu ambabaxay dalka Tunisia
 

Jimco, Agoosto, 26, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaralka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhaw ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kuwaas oo u duulay wadanka Tunisia.

Raysal Wasaaraha iyo Wafidgiisa ayaa la sheegay in magaalada Tunis ee Caasimadda dalka Tunisia iney uga qaybgali doonan shirka Caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa ee TICAD.

Socdaalka Raysal wasaare Xamse ee dalka Tunisia waxaa qeyb ka ah qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana wafdiga Raysal wasaaraha kasii sagootiyey garoonka Aadan Cadde mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yahiin magaalada Tunis waxaa lagu wadaa inuu kulamo duceedyo la qaadan doonaan qaar ka mid ah Madaxda ka qeyb galeysa shirka horumarinta qaaradda Africa, isagoo kala hadli doona arrimo muhiim u ah dalka Soomaaliya.

Safarka uu Maanta ugu ambabaxay dalka Tunisia Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa noqonaya safarkiisii ugu horeeyay oo uu ku aado dalka dibadiisa, tan iyo markii xilka Raysal wasaaranimo loo magacaabay, xili shalay safarkiisii ugu horeeyay ee dalka gudahiisa ah uu ku tagay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.