4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 24, 2022
Xukuumada Somaliland oo ka hadashay dil Ceerigaabo ka dhacay

Arbaco, Ogosto, 24, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa shacabka reer Ceerigaabo ugu baaqday in ay isdajiyaan, kadib cadho ka dhalatay nin ciidamada badhasaabka gobolku ku dileen magaalada.

Banaanbaxyo rabshado wata oo maanta ka dhacay magaalada Ceerigaabo, oo markii danbe isku badalay banaanbaxyo doorasho lagu dalbanayo, ayaa la sheegay in markii hore ay sababtay dilka shakhsiga la dilay, xukuumada ayaa shacabka ugu baaqday in ay is dajiyaan.

"Waxa loo baahanyahay in maydka la aaso ... shacabka gobolka Sanaag waxaanu ka codsanaynaa in aan daganaanshaha gobolka la ruxin, in aan sharciga gacanta lagu qaadanin in waayeelku taliyo ... wixii arrin ahna laga wada tashado" Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sida yidhi.

Sida dad xogogaal ahi Hiraan Online u shegeen ninka dhintay, ayuu khilaaf ka dhexeeyay badhasaabka gobolka Sanaag, kadibna badhasaabka ayaa damcay in uu xidho, kadibna wuu dagaalamay sidaana ciidanka badhasaabka ayaa ku dilay.

Bannaanbaxyada maanta ka dhacay Ceerigaabo oo mar kii hore la sheegay in uu kiciyay dilka dhacay, ayaa markii danbe isku badlay, banaanbaxyo doorasho lagu dalbanayo.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]