4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 23, 2022
Taliye Baakaay "Waxaan gacanta kusoo dhignay Qaraxyo iyo Rumuukii lagu qarxin lahaa iyo raasaas fara badan"
 

Talaado, Agoosto, 23, 2022 (HOL) - Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee guutada shanaad qeybta 27-aad ayaa Maanta soo bandhigay tiro qaraxyo iyo rasaas ah oo ay sheegeen in Al-shabaab uga carareen Saldhigii ay ku lahayeen deegaanka Gaal fuul ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha guutada shanaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 27-aad ee ka howlgasha gobolka Hiiraan Maxamuud Xasan Ibrahim Bakaay ayaa sheegay in qaraxyada lasoo qabtay ay ka mid yihiin qaar Al-shabaab ku aaseen wadada gasha deegaanka Coomaad, halka qaraxyada qaar iyo rasaasna ay ciidanka kasoo furteen Saldhigii Shabaab ku lahayeen deegaanka Gaalfuul oo ay dhawaan la wareegeen ciidanka dowladda.

"Ciidanku waxa uu ku guuleystay inay soo saaraan qaraxyo dhulka ay ku aaseen Shabaab iyo rimuut kontaroolkii ay ku qarxin lahayeen oo ay ugu talo galeen iney ku dhibaateeyaan ciidanka, kuwaas oo ay ku aaseen nawaaxiga deegaan Coomaad, waxaa sidoo kale ciidanka gacanta kuso dhigeen rasaas badan oo caagado ku jirta oo ay shabaab kaga carareen Saldhigoodii deegaanka Gaalfuul" ayuu yiri Taliye Baakaay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey oo labadii bilood ee lasoo dhaafay howgalo culus oo ka dhan ah Al-shabaab ka waday inta u dhaxeysa Magaalooyinka Baledweyne, Matabaan iyo Maxaas, waxaana u suurta gashay in holwgaladaasi ay ciidamadu kula wareegaan in ka badan 10 deegaan oo horay uga talin jireen Al-shabaab.