4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 22, 2022
Xamarje: Iskuday dil ayaa laygu sameeyay, gaadhi ayaa gaadhiga laygaga dhuftay
 

Isniin, Ogosto, 22, 2022 (HOL) - Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Cumar X. Cabdillaahi Xamarje, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay isku dayday in la dilo, maalintii bannaanbaxa 11 August.

Guddoomiye Xamarje oo maalintii bannaanbaxa xabsiga loo taxaabay, ayaa sheegay in intii aan la qaban laysku dayay in shil baabuur oo loo qasdiyay lagu dilo, iyada oo baabuur uu watay baabuur lagu dhuftay.

"Ciidan beeleed abaabulan oo madaxweynaha iyo ciyaalkiisu ay adeegsadaan ayaa aniga iskuday dil igu sameeyay, gaadhiga ayaa gaadhiga laygaga dhuftay, iyada oo laygu talogalay in shil gaadhi laygu dilo" ayuu yidhi Xamarje.

Xamarje ayaa sheegay in markii uu iskudayga dil ka bad baaday, kadibna loogu yeedhay ciidamada ilaalada wadooyinka, hadana isla markiiba la dhaafiyay oo xarunta danbi baadhista la geeyay iyada oo lagu eedeeyay in uu sitay bastoolad.

"Tii markay dhici wayday, markii gaadhiga gaadhiga laygaga dhuftay waxa laygu yeedhay hay'addii socdaalka wadooyinka, xageediiba la ii lama leexane nin muraad kale loo lahaa ayaan ahaaye sidii ayaa laygu geeyay CID-da ... maxkamada ayaa la i geeyo waxa laygu yidhi waxad sidatay bastoolad" ayuu yidhi Xamarje.

Maxkamada Degmada Hargaysa, ayaa Xamarje xabsiga kasii daysay maalintii Sabtida kadib markii uu iibsaday laba bilood oo xabsiga oo maxkamadu ku xukuntay, kadib markii lagu helay in uu sitay bastoolad aan sharciyaysnayn.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]