4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 22, 2022
Raysal wasaare Xamse: Dowladdu way kula xisaabtamaysaa cid walba oo gudan weyday shaqadeeda
 

Isniin, Agoosto, 22, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ballanqaaday inay dowladdu la xisaabtamayso cid walba oo hawsheeda gudan weysay, isagoo ka hadlayay weerarkii hotel Xayaat iyo khasaarihii ka dhashay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan sheegay kadib markii uu xalay booqday isbitaallada lagu daaweynayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii Alshabaab ku qaadday hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa warbixinno ku saabsan xaaladda caafimaad ee dadka dhaawacmay ka dhageystay dhakhaatiirta isbitaallada Erdogan iyo Medina.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu sheegay in dhaawacyada culus ee aan dalka wax looga qaban karin ay dowladdu u qaadi doonto waddanka dibeddiisa – isagoo intaa raaciyay in dowladdu qaadeyso bukaanno kale oo istibaallada horey ugu jiray.

Hadalka raysal wasaaraha ayaa kusoo aaday xilli in ka badan 20 qof ay ku geeriyoodeen weerar socday in ka badan 24 saac oo Alshabaab ka geysteen hotel Xayaat.

Waa weerarkii ugu cuslaa oo uu la kowsado raysal wasaare Xame, oo horey ugu dhawaaqday dagaal ka dhan ah Alshabaab.