4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 21, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Kismaayo
 

Axad, Agoosto, 21, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Xalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaasoo jugtiisa laga maqlay xaafadaha magaalada Kismaayo.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog fog ayaa waxaa lagu aasay afaafka hore ee hoyga uu ka dagan yahay xaafadda Siinaay ee magaalada Kismaayo Abaanduulihii hore ee ciidanka Jubbaland oo magaciisa lagu soo koobay Raamsade.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen qaar ka mid ah carruurta uu dhalay Abaanduulihii hore ee ciidanka Jubbaland oo ku sugnaa guriga, waxaana sidoo kale dhaawac fudud uu gaaray isaga iyo xaaskiisa oo la geeyay xarun Caafimaad, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ahaa.

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, kuwaas oo howlgalo baaritaano ah ka sameeyay xaafaddo ka tirsan Magaalada, hayeeshee lama sheegin cid ay usoo qabqabteen falkaasi.