4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 21, 2022
Dowladda Itoobiya " Kooxda TPLF waxay wadaa saan saan Colaadeed"
 

Axad, Agoosto, 21, 2022 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Kooxda TPLF ay wado qorshe ah in dagaal uu mar kale ka qarxo gobolka Tigray, iyadoo marmarsiinyo ka dhiganaysa in dowladdu ay ka baxday wadahadalladii nabadeed, sida uu Warbaahinta u sheegay Wasiirka Warfaafinta ee Itoobiya Leggese Tulu.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Kooxda TPLF aysan diyaar u ahayn in nabad ay ka dhacdo gobolka Tigray, isagoo xusay in TPLF aysan wali soo magacaabin xubnihii wada hadalka iyaga iyo dowladda uga qayb gali lahaa, waa siduu hadalka u dhigay Wasiirku.

Waxa kale oo Wasiirku sheegay in dowladda Itoobiya ay wali diyaar latahay in nabad ay ka dhalato gobolka Tigray, hadafka dowladda ee dhinaca nabaddana uu weli yahay mid adag.

TPLF ayaa dhankeeda walaac ka muujisay wada hadal ay la gasho dowladda Itoobiya, iyadoo sheegtay in wali gobolka Tigray uu ku jiro go'doon iyo xayiraad, sida Biyaha, Korontada iyo Isgaarsiinta oo guud ahaan ka maqan gobolka Tigray.

TPLF waxa kale oo ay ku doodaysaa in degaanno kamid ah gobolka Tigray ay wali ku maqan yihiin Axmaarada, waxayna TPLF ku celcelinaysaa in wax wada hadal ah aysan galayn ilaa dhulka ka maqan Tigray dib loo soo celinayo, waa siduu hadalka u dhigay Afhayeenka TPLF Getachow Reda oo maalmo ka hor la hadlayay Warbaahintooda.

Waxa kale oo ay TPLF ku doodaysaa in maalmihii lasoo dhaafay ay dowladda Itoobiya iyo maleeshiyaadka Axmaaradu weeraro kusoo qaadeen degaannada Tigray, TPLF na ay jawaab ka bixinayso weeraradaas waa siday hadalka u dhigayaan hoggaaminta TPLF.

Wada hadallada nabadda ee soo jiitamayay dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay ayaa u muuqda kuwo gacanta kasii baxaya, iyadoo labada dhinac waa dowladda Itoobiya iyo Kooxda TPLF ay u muuqdaan kuwo midba ka kale uu ku eedeynayo inuusan nabadda rabin.

Gobolka Tigray ee ay colaaduhu ragaadiyeen ayaa wali waxaa ka jirta xaalad bani'aadantinimo middii ugu darnayd oo ay wajahayaan shacabka lagu dhex dagaalamay ee Tigray.