4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 20, 2022
Afar caruur ah iyo Hooyadood oo ku geeriyooday Hoobiyeyaal Xalay Lagu garaacay magaalada Muqdisho
 

Sabti, Agoosto, 20, 2022 (HOL) -Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro madaafiic ah oo Xalay lagu garaacay xaafado ku yaala agagaarka Iskuul Buluusiya ee degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo jugtooda laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Madaafiicda ayaa la sheegay iney ku dhaceen guryo dad shacab ah dagan yihiin oo ku dhaw Iskuul Buluusiya, kuwaas oo tiradoodu gaareysay ilaa shan madfac oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah.

Afar caruur ah iyo Hooyadood ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen mid ka mid ah hoobiyeyaasha lasoo tuuray oo ugu tagay gurigooda, iyadoo Aabaha qoyskaasina uu ku dhaawacmay madfaca sababay dhimashada afartiisa canug iyo Xaaskiisii.

Waxaa sidoo kale wararku intaasi ku darayaan in ilaa 6 ruux oo kale ay ku dhaawacmeen hoobiyeyaasha xalay ku dhacay Xaafadaha ku yaala agagaarka Iskuul buliisiya ee degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

Hoobiyeyaashaan Xalay lagu garaacay qeybo ka mid ah degmada Xamar Jajab ayaa kusoo beegmaya xili weli uu socdo howlgalka lagu soo afjarayo weerar qaraxyo ku bilaawday oo uu xigay mid toos ahaa oo ay  Al-Shabaab ku qaaday Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, kaasoo soo billowday fiidkii hore ee xalay, waxaana ilaa subaxnimadaan laga dhex maqlaya gudaha Hoteelka rasaas goos goos ah.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]