4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 19, 2022
Koox hubeysan oo weerar iyo Qaraxyo wada socda ku qaaday hotel Hayaat ee Muqdisho

Jimco, Agoosto, 19, 2022 (HOL) - Koox hubeysan ayaa weerar iyo Qaraxyo wada socda ku qaadday hotel Hayaat ee magaalada Muqdisho, iyadoo haatan rasaas xooggan ay ka socoto gudaha Hotelka.

Kooxa weerartay ayaa la sheegay inay gudaha u gashay hotelka, kadib markii ay ku weerareen afar qarax iyo rasaas toos ah, waxaana hadda goobta gaaray ciidamada sida gaarka u tababaran ee Haramcad.

Hotelka la wareeraray ee Alxayaat oo kuyaalla agagaarka Isgoyska Mashquulka badan ee KM4 ayaa waxa ku yaal hotelo iyo xarumo ganacsiga.

Lama oga weli khasaaraha ka dhashay weerarkaan, inkastoo xogaha aan helayno ay sheegayaan in dad badan oo shacab ahaa oo guryahooda u hoyanayay uu khasaare dhimasho iyo dhaawac leh kasoo gaaray.

Sidoo kale, dhimashada askar dhowr ah iyo ilaalada hotelka Alxayaat ayaa lasoo warinayaa. Waxaase adag in macluumaad dheeraad ah laga helo weerarkan.

Weerarada nuucaan oo kale ah Muqdisho kama dhicin muddooyinkii ugu dambeeyay. Sidoo kale, weli ma jirto cid sheegatay masuuliyaddiisa. Alshabaab ayaa lagu yaqaanay weerarada nuucaan ah.