4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 18, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh oo magacaabay guddiga maamulaya hay'adda maaraynta musiibooyinka Soomaaliya
 

Khamiis, Agoosto, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto ku magacaabay guddiga hay’adda maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed ee (SODMA).

Madaxweynaha Soomaaliya oo soo saaray wareegto lagu magacaabayo guddigan, ayaa sheegay inay dowladdiisu mudnaan gaar ah siinayso ka jawaabidda howlaha gurmadka iyo samata-bixinta dadka dhibaateysan.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu golaha xukuumadda ku bogaadiyey ansixinta iyo soo gudbinta xubnaha guddiga maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka.

Wuxuu madaxweynuhu guddigan kula dardaarmay in ay si daacad ah oo hufan ay ugu adeegaan dadka Soomaaliyeed.

Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa habeen hore kulan ay yeesheen waxay ku ansixiyeen hay'addan.

Hay’addan iyo guddi 16 xubnood oo raysal wasaaruhu magacaabay, ayaa la siiyay awaamiir ku aadan sidii loogu gurman lahaa shacabka abaaruhu saameeyaan.

Magacyada guddigan.

1. Mudane Maxamuud Macallin Cabdullaahi- Guddoomiye

2. Dr. Axmed Cabdi Aadan. Guddoomiye Ku-Xigeen

3. Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan Agaasime

4. Marwo Luul Axmed Coloow Agaasime

5. Mudane Cabdirisaaq Axmed Cali Agaasime