4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 6 , 2021
Golaha Wasiirradda oo ka wada hadlay abaaraha ka jira qeybo ka mid ah dalka

 

Sabti, Maarso, 06, 2021 (HOL)  -Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guullleed Khadar ayaa shir guddoomiyay kulan ay Golaha Wasiirradda ka yeesheen xaalada abaaraha ka jira qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Kulanka oo ku qabsoomay aaladda fogaan aragga ah ayaa waxaa warbixino laga dhageystay guddiga dowladda u xilsaartay wax u qabashada dadka ay abaaraha ku dhufteen oo uu guddoomiye u yahay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kuwaas oo Golaha Wasiirada hordhigay xaaladda deg deg ah ee ka jirta Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, halkaasi oo saacidihii la soo dhaafay ay jirtay dad biyo la’aan u geeriyooday.

Golaha Wasiirada ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqasiyaha badan gurmad beni’aadanimo la gaarsiiyo qoysaska uu saameeyay biyo la’aanta.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]