4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 6 , 2021
20 qof oo Covid-19 ugu geeriyooday Soomaaliya 48-saac ee ugu dambeeysay
 

Sabti Maarso, 06, 2021 (HOL) - Tirada dadka u geeriyoonaya cudurka Covid1-9  ayaa sii kordhaysa maalinba maalinta kasii dambeysa.

48-saac ee lasoo dhaafay, wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa diiwaan galisay 20 dhimasho ah iyo 191 kiis oo cusub.

144 kiis oo kamid ah kiisaskaan ayaa laga helay magaalada Muqdisho, xilli halkaas laga dhaqan galiyay awaamiir lagu xakamaynayo faafitaanka cudurka Covid-19.

Tirada labaad ee ugu badan faafitaanka waxaa lagasoo sheegay Somaliland oo laga helay 31 qof.

Halka Jubbaland laga diiwaan galiyay 16 qof.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya waxay kaloo warbixinteeda ku sheegtay in ay 31 qof ka bogsadeen cudurka.

Waxaa laga cabsi  qabaa in uu dalka soo gaaray nuuca cusub ee Coronavirus, waxayna dowladdu ka war sugaysaa baaritaanno dibadda loo diray oo dhawaan la helidoono.

Inkastoo cudurka si aad ah u faafayo haddana weli dadka Soomaaliyeed si dhab ah uguma baraarugsana halista cudurka iyo sida dadku ugu geeriyoonayaan maalin kasta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]