3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 6 , 2021
Madaxweynaha Puntland oo sheegay in 80% ay ku guulaysteen dagaal ay ku qaadeen kooxdii Alshabab ee weerartay xabsiga Bosaso
 

Sabti Maarso, 06, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Basaso shir jaraa'id ku qabtay ayaa sheegay in 80% lagu guulaystay howl gal lagu qaaday kooxdii Alshabaab ee habeen hore weerartay xabsiga magaalada Bosaso, halkaas oo ay maxaabiisna kala baxeen.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu waqtigan howlgal ka socdo meelihii ay kasoo duuleen Alshabaab, isagoo tilmaamay inay ka ciribtiriyaan goobaha ay ku dhuumaalay sanayaan oo ay kasoo abaabulaan weerarada.

Waxaa madaxweyne Deni uu qiray in Alshabaab ay ku guulaysteen in ay la baxsadaan qeyb kamid ah maxaabiistooda, inkastoo uu sheegay in ay dib usoo qabteen maxaabiis intaas ka badan kuwana ay dileen.

Dhinaca kale, madaxweyne Deni, ayaa sheegay inuu meel wacan marayo baaritaanka dilkii loo geystay weriye Jamaal Faarax Aadan oo kowdii bishaan xilli habeen ah lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Warar madax bannaan oo HOL heshay waxay sheegayaan in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen rag aad loogu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilka weriyaha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/6/2021 1:23 PM EST
Sabti, Maarso, 06, 2021 (HOL) -Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guullleed Khadar ayaa shir guddoomiyay kulan ay Golaha Wasiirradda ka yeesheen xaalada abaaraha ka jira qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

3/6/2021 10:20 AM EST
Sabti, Maarso, 06, 2021 (HOL-guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa ku dhawaqay in qaybinta kaadhka codbixinta la bilaabi doono 11 ka bishan Maarso.

3/6/2021 8:40 AM EST
Sabti, Maarso, 06, 2021 (HOL) -- Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa in uu markii shanaad u tartamo xilka madaxweynaha dalkaas oo uu soo hayay tan iyo 1999, iyadoo la filyay in uu marka isaga fariisanayo doorashada.

3/6/2021 6:31 AM EST
Sabti Maarso, 06, 2021 (HOL) - Tirada dadka u geeriyoonaya cudurka Covid1-9 ayaa sii kordhaysa maalinba maalinta kasii dambeysa.

3/6/2021 4:31 AM EST
Sabti, Maarso, 06, 2021 (HOL) - Wareegto cusub oo saaka kasoo baxday Xafiiska Madaxwaynaha DDS ayaa lagu magacaabay ku xigeenno cusub, maareeyayaal iyo madax xafiiseedyo.

3/6/2021 3:01 AM EST
Sabti Maarso, 06, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba ka qaaday ciidamadii ku sugnaa taalada Daljirka Dahsoon oo qorshuhu ahaa saakay in uu ka dhaco dibadbax u qorsheysnaa Midowga Musharixiinta.

3/6/2021 12:16 AM EST
Sabti, Maarso, 06, 2021 (HOL) -War ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha dibadda dalka Turkiga ayaa si adag loogu cambaareeyay weeerarkii dadka badani ku dhinteen ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.