4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 6 , 2021
Turkiga oo cambaareeyay qaraxii cuslaa ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Sabti, Maarso, 06, 2021 (HOL)  -War  ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha dibadda dalka Turkiga  ayaa si adag loogu cambaareeyay weeerarkii dadka badani ku dhinteen ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

'Qoraalka ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu yiri'' Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarka foosha xun ee Argagixisadu ka geysatay magaalada Muqdisho waxaanan tacsi u direynaa shacabka walaalaha ah iyo Dowlada Soomaaliya Waxaan u rajeynaynaa naxariista Eebbe korkiisa kuwa naftooda ku waayey,waxaana u rajeeyneynaa caafimaad deg deg ah kuwa dhaawacmay''

Qaraxa xalay oo ahaa kii ugu cuslaa ee waayadan soo mara magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhawaad 20 ruux oo isugu jiray shacab iyo Askar halka in ka badan 30 ruuxna ay ku dhaawacmeen.

Bartilmaameedka qaraxa ayaa ahaa maqaaxida lagu magacaabo Luul Yemeni oo ku taala degmada Xamar-Jajab meel aan ka fogeyn dekedda magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]