4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 5 , 2021
Afhayeenka Booliiska '' 10 ruux ayaa ku dhimatay qaraxii caawa lagu weeraray maqaaxida Luul Yemeni

 

Jimco, Maarso, 05, 2021 (HOL)-Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali oo warbaahinta kula hadlayay goobta uu ka dhacay qarax culus oo caawa lagu weeraray maqaaxi lagu magacaabo Luul Yemen oo ku taala degmada Xamar-Jajab ayaa sheegay in ay ku dhinteen 10 ruux oo u badnaa dad shacab ah.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in qaraxan oo loo adeegsaday sida uu hadalka u dhigay mooto nooca xamuulka lagu qaado ah sidoo kale ku dhaawacmeen 30 ruux oo u badnaa dadkii goobta ku caweynayay.

Sadiiq Afhayeenka ciidanka Booliiska ayaa ku eedeeyay Al-shabaab in aysan wali ka tanaasulin wax-yeeleynta shacabka iyo in ay caqabad ku yihiin sida uu hadalka u dhigay hormarka wadanku sameynayo.

Qaraxa caawa ayaa marka laga soo taggo khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca sidoo kale waxaa uu geystay burbur hantiyeed oo weyn.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]