4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 5 , 2021
Qarax dhimasho sababay oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Talaado, Janaayo, 05, 2021 (HOL) - Qaraxan oo loo adeegsaday miino waddada dhinaceeda la dhiggay ayaa lala eegtay gaari uu lahaa Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali.

Inta la xaqiijinayo hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay qaraxan oo gaar ahaan ka dhacay waddada 21 October ee degmada Waabari.

Wararku waxaa ay intaa ku darrayaan in ay jiraan dhaawacyo soo gaaray dad ka ag dhawaa halka qaraxu ka dhacay.

Qaraxyada noocan ah ee lagu bartilmaameedsado mas'uuliyiinta dowladda ayaa ku badan magaalada Muqdisho iyadoo wax-yeelada ugu badanna ay ka soo gaarto dadka rayidka ah ee ka dhaw halka uu qaraxu ka dhaco.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]