4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 5 , 2021
Qarramada Midoobey oo ka hadashay xaalada Hirshabeelle

 

Talaado, Janaayo, 05, 2021 (HOL) - Ergeyga Qarramada Midoobey u qaabilan Soomaailya Mr James Swan oo khadka Aalada Zoomka kula hadlay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudllaawe ayaa sheegay muhiimada wada hadal lagu dhameeyo khilaafka ka taaggan Hirshabeelle.

Sidoo kale James Swan ayaa arintan kala hadlay Wasiirka Wasaarradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Jen Mukhtaar Xusseen Afrax waxaa uu carabka ku adkeeyay Swan  muhiimada  wada hadal dhaxmara dhammaan daneeyayaasha si loo helo dib u heshiisiin Hirshabeelle dhaxdeeda ah

Dhinaca Qarramada Midoobey ayaa sheegtay in ay diyaar  u yihiin taageerro kasta oo lagu bixinayo dadaallada  dib-u-heshiisiineed si loo soo afjaro khilaafka ka taaggan dhismaha Hirshabeelle.

Arrintan ayaa imaneyso xili magaalada Beledweyne ay wali ka jrto xiisad ka dhalatay hannaanka loo marayo dhismaha labaad ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle, taasoo keentay in uu meesha ka baxo safar uu Beledweyne ku iman lahaa madaxweyne Cali Guudllaawe,

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]