3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 4 , 2021
Midowga Musharixiinta oo ka horyimid go'aankii hubka looga mamnuucay garoonka diyaaradaha Muqdisho

 

Isniin, Janaayo, 04, 2021 (HOL) - Midowga musharixiinta ayaa ku gacan seyray go'aankii ay dowladda Soomaaliya uga mamnuucday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho hubka marka laga reebo hubka ay wattaan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.

Arrintan ayeey ku tilmaameen mid qalad ah oo aan la aqbali karin in qeybna hubka loo daayo kuwa kalana laga mamnuuco, iyaga oo intaa ku darray in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay ka laabato go'aankaa isaga ah.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ku hadlayay afka  midowga musharixiinta ayaa u sheegay VOA in musharixiinta u baahan yihiin xuquuqda la mid ah tan madaxweyne Farmaajo maadaama uu yahay musharax u taaggan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

''Dadkii tartanka uu naga dhaxeeya oo uu ka mid yahay madaxweyne Farmaajo loo ogolaado in uu hubkiisa la galo garoonka  annaga naloo diido, taasi waa nasiib darro iyo cadaalad darro' ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Wasaarrada Amniga ayaa maalintii shalay soo saartay go'aankan hubka looga mamnuucday garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo taa u sababeysay sugida amniga garoonka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  














Click here
1/4/2021 3:46 PM EST
Isniin, Janaayo, 04, 2021 (HOL) - Sacuudi Carabiya ayaa dib u furi doonta hawadeeda iyo soohdinta dhulka iyo badda ee Qatar laga bilaabo Isniinta caawa, Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuweyt ayaa sidaasi sheegay, isagoo tixraacayay heshiis lagu xallinayo khilaaf siyaasadeed ee horseeday Riyadh iyo xulafadeeda inay go’doomiyaan Qatar.

1/4/2021 9:50 AM EST
Isniin, Janaayo, 04, 2021 (HOL) -Dowladda Britain ayaa badashay safiirkeedii Soomaaliya Amb, Ben Fender iyadoo soo magacaawday safiir cusub oo noqoneysa haweeney lagu magacaabo Kate Foster

1/4/2021 6:29 AM EST
Isniin, Janaayo, 04, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saaray amar ku wajahan Sheekh Cabdulxaq Xasan Macalin oo loo yaqaano Sheekh Rusheeye oo shalay galinkii dambe gaaray magaalada Gaalkacyo si uu halkaasi uga bilaabo howlaha Quraan saarka ah ee uu bulshada u haayo.

1/4/2021 5:04 AM EST
Isniin, Janaayo, 04, 2021 (HOL) - Ururka warbaahinta Puntland MAP ayaa afduub ku tilmaamay xarriga weriye lagu magacaabo Kilwe Adan Faarax oo kamid ah saxafiyiinta ka howlgali jiray Garowe, kaas oo maalintii 8aad u xiran Hay’adda Sirdoonka iyo nabadsugidda Puntland (PISA).

1/4/2021 3:19 AM EST
Isniin, Janaayo, 04, 2021 (HOL) - Ninkan oo maalmhii aynu soo dhaafnay siweyn uga soo muuqday baraha bulshada isaga oo rasaas ku ridaya gabdho Soomaaliyeed oo ku dibadbaxayay magaalada Muqdisho ayeey dowladdau xaqiijisay in uu ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

1/4/2021 2:20 AM EST
Isniin, Janaayo, 04, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay xarunta madaxtooyada kulan saacado badan qaatay kulan yeeshay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-Gareen.

1/4/2021 1:12 AM EST
Isniin, Janaayo, 04, 2021 (HOL) - Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in xalay uu ka dhacay gudaha degmada.

1/4/2021 12:50 AM EST
Isniin, Janaayo, 04, 2021 (HOL) - Al-shabaab ayaa sii deysay fariin maqal iyo muuqaal ah oo hogaamiyahooda, Abu Ubaidah oo uu kaga hadlayo 5 dagaalyahan oo ka tirsan kooxdooda, oo weerar ku qaaday saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee Lamu Kenya.