3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 3 , 2021
Ciidanka DANAB oo sheegay in ay burburiyeen xarumo ay lahaayeen Ururka Al-shabaab.

 

Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Baay ayaa sheegay in howlgal saacidihii ugu danbeeyay ay sameeyeen ciidamada Koomaandooska Guutada 16aad ee DANAB ku burburiyeen xarumo waaweyn oo ay lahaayeen xoogagga Ururka Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay howlgalkan ay ku qabteen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab iyo agab ay lahaayeen sida mootooyin ay u isticmali jireen weerarrada iyo dilalka qorsheysan.

Ciidamada ayaa howlgalkan gaar ahaan ka fuliyay deegaanno ay ka mid yihiin Buur Heybe, Jiira Koolow, Durdurow, saax-weyn iyo Yaaq-doomaar, kuwaasoo hoos-taga degmada Buurhabaka.

Ciidanka Kumaandooska DANAB ayaa howlgallo ka fuliya deegaanada Al-Shabaab ku sugan yihiin, waxaana howlgalada qaar kala qeyb qaata Ciidamada Mareykanka ee tababarka siiya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]     
















Click here
1/3/2021 11:34 AM EST
Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) - Warar ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya halkaa ka dhaceen qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac.

1/3/2021 9:43 AM EST
Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw Xabsiga dhexe ee magaalada Baledweyne laga sii daayay ku dhawaad 10 dhalinyaro ah oo mudo laba todobaad ah ku xirna Xabsiga Baledweyne.

1/3/2021 8:54 AM EST
Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) - War Qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidanka Mareykanka ee Africa ee loo soo gaabiyo '' AFRICOM'' ayaa lagu sheegay in duqeymihii ugu danbeeyay oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab dhinaca kalana burburiyeen xarumo muhiim u ahaa.

1/3/2021 7:55 AM EST
Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) - Wasaaradda amniga gudaha ayaa soo saartay amar lagu mamnuucayo in hub lala galo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

1/3/2021 5:37 AM EST
Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) - Golaha midowga murashixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray digniin ku saabsan halista heshiis qarsoodi ah oo shidaal baaris ah oo ay dowladda federalku la galayso shirkaddo shisheeye.

1/3/2021 4:30 AM EST
Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa Jubbaland ahaana Xildhibaan katirsan Jubaland, Maxamed Nuur Buule, ayaa sheegay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe inuu Kenya la galay heshiis qabyo ah oo ku saabsan in Jubbaland ay tahay gobol kamid ah Kenya.

1/3/2021 3:44 AM EST
Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa safar deg deg ah ku taggay xerrada Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha hoose halkaa oo fariisin u ah ciidamada Mareykanka.

1/3/2021 1:47 AM EST
Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) - Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle ayaa dood adag ka yeeshay sida laga yeelayo 17 xildhibaan oo la sheegay in ay ka dhiman yihiin wali tirada guud ee Baarlamaanka Dowlad Gobolleedkan,

1/3/2021 1:01 AM EST
Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa xalay dadkii ku dhaawacmay weerarkii ismiidaaminta ahaa lagu qaaday Injineerrada Turkiga ee dhismaha ka wadda wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.