4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 3 , 2021
Ra'iisal Wasaare Rooble oo booqday dadkii ku dhaawacmay Qarax shalay lagu weeraray Injineerrada Turkiga

 

Axad, Janaayo, 03, 202q (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa xalay dadkii ku dhaawacmay weerarkii ismiidaaminta ahaa lagu qaaday Injineerrada Turkiga ee dhismaha ka wadda wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Dadka oo la dhigay Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho ayuu Ra'iisal Wasaaruhu eegay xaaladooda caafimaad, isaga oo dhinaca kalana warbixinno ka dhageystay dhaqaatiirta ku howlan daweyntooda.

Argagixisadu waxa ay ka soo horjeedaan nabadda iyo howl kasta oo dalkeenna lagu horumarinayo, waxaase xaqiiq ah in marnaba weerradooda fulaynimada ah aysan ka hor istaagayn shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dib u dhiska iyo horumarinta dalkaā€¯.

Ma'aha markii ugu horreysay oo sida oo kale weerar Ismiidaamin ah lala eegto howlwadeennada Turkiga ee ku sugan magaalada Muqdisho oo dhowr jeer oo hore siyaabo kala duwan loo beegsaday.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]