3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 24, 2021
Laamaha Amniga Galmudug oo shan ruux u soo xir xiray dil ka dhacay degmada Caabudwaaq

 

Axad, Janaayo, 24, 2021 (HOL) -Laamaha Amniga dowlad gobolleedka Galmudug ayaa ilaa shan ruux u soo xir xiray dil dhawaan ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud.

Dadka xabsiga loo taxaabay ayaa ku eedeysan in ay ku lug lahaayeen Ganacsade lagu magacaabo Ibraahim Axmed Dhageey waxaana lagu wadaa in sida ay sheegeen saraakiisha hay'addaha Amniga in shanta ruux la horkeeno cadaallada.

Howlgalka lagu soo qab qabtay shanta ruux ayaa waxaa iska kaashaday laamaha Amniga degmada Caabudwaaq iyo Ballanbale, iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba deegaannadaa ay ka dhacayeen dilal la xiriira aano qabiil.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    













Click here
1/24/2021 2:02 PM EST
Axad, Janaayo, 24 2021 (HOL) - Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Jamed Swan, ayaa madaxwenynaha Galmudug, Axmed Qoorqoor ku ammaanay isku dayga lagu xallinayo khilaafka ka dhashay hirgelinta qorshaha doorashada.

1/24/2021 1:40 PM EST
Axad, Janaayo, 24 2021 (HOL) - Wasiirka qorshaynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay inuu soo dhamaaday shir u socday gudiga Sare ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo shir gudoominayey Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya.

1/24/2021 12:56 PM EST
Axad, Janaayo, 24, 2021 (HOL) -Dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa galabta deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo isku dhinac ah iyo xoogagga Ururka Al-shabaab.

1/24/2021 10:55 AM EST
Axad, Janaayo, 24, 2021 (HOL) -War ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa looga hadlay doorashada Soomaaliya iyo walwalka Mareykanku uu ka qabo is mari-waaga ka taagan qabashada doorasho leysla ogol yahay.

1/24/2021 9:37 AM EST
Axad, Janaayo, 24 2021 (HOL) - Shirkan oo ay ka soo qeybgalleen dhamaanba xubanaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa looga wada hadlayaan mudo Afar maalmood ah oo uu socon doono wixii u qabsoomay guddigan muddadii uu soo dhisnaa.

1/24/2021 9:28 AM EST
Axad, Janaayo, 24 2021 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay xubnaha Urur la baxay Islamic State Center oo looga dhawaaqay gudaha dalka Itoobiya.

1/24/2021 8:57 AM EST
Axad, Janaayo, 24 2021 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Mudane James Swan

1/24/2021 7:44 AM EST
Axad, Janaayo, 24 2021 (HOL) - Dowladda Itoobiya aya qunsul cusub u soo magacaabatay qunsuliyada ay ku leedahay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, waxaana uu maanta qunsulka cusub la kulmay madaxweyne Deni.

1/24/2021 6:09 AM EST
Axad, Janaayo, 24 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay Xalay ku qaadeen dhaqdhaqaaqa Al-shabaab degmooyinka Buulaburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

1/24/2021 4:43 AM EST
Axad, Janaayo, 24 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Ali Dahir Ciid ayaa maanta Magaalada Dhusamareeb ee Caasimada Galmudug kusoo dhaweyay wafdi u hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay uqaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan.

1/24/2021 3:53 AM EST
Axad, Janaayo, 24 2021 (HOL) - Afhayeenka Ururka ONLF Cadaani Hirmooge oo saxaafada la hadlay ayaa beeniyay wararka sheegayay in la badalay guddoomiyaha ONLF Cabdiraxmaan Maadey.

1/24/2021 2:10 AM EST
Axad, Janaayo, 24 2021 (HOL) - Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii ugu danbeeyay siweyn u adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho oo maalmihii ugu danbeeyay lagu dilay mas'uuliyiin iyo saraakiil ciidan kaddib qaraxyo iyo weerarro lagu bartilmaameedsaday.