4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 23, 2021
Larry King wariyihii caanka ahaa ee reer Mareykan oo geeriyooday

 

Sabti, Janaayo, 23, 2021 (HOL) -Larry King, oo ahaa  wariye caan ah oo muddo dheer ka soo shaqeynayay TV ga  CNN  ayaa ku dhintay da'da 87 sano kaddib markii uu haleelay cudurka dunida faraha ba'an ku haya ee Covid 19.

Sida laga soo xigtay Ora Media oo uu ka tirsanaa waxaa uu ku geeriyooday gobolka Los Angeles,  isbitaal lagu magacaabo Cedars-Sinai Medical Center.

King wuxuu martigaliyay "Larry King Live"  oo ka bixi jiray CNN in ka badan 25 sano, isagoo wareysanayay musharixiinta madaxtinimada, dadka caanka ah, Ciyaartooyda, Jilayaasha filimada wuxuu howlgab noqday 2010 kaddib markii uu duubay in ka badan 6,000 oo dhacdo oo show ah.

Larry King ayaa ahaa wariye warbaahinta ku soo dhax jiray ku dhawaad 60 sano isaga oo aad loo jeclaa wareysiyadiisa oo ahaa kuwo xasaasi ah oo dhinacyo kala duwan taabanaya

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]