4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 23, 2021
Wararkii ugu danbeeyay dagaal ka dhacay deegaanka Raage Ceelle ee gobolka Shabeellaha dhexe

 

Sabti, Janaayo, 23, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa lagu waramayaa in ay dib ula wareegeen degmada Raage Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaal subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay degmada ayeey u suurtagashay xoogagga Al-shabaab in ay la wareegaan gacan ku heynta Raage Ceelle kaddib dagaal culus oo ay la galeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay howlgal ballaaran ka wadaan deegaannada ku hareereysay degmada lagu dagaalamay iyaga oo sheegay in ay baacsanayaan xoogaggii weerarka soo qaaday.

Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay isku soo uruursanadeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe iyo  bartamaha Soomaaliya oo ka baxsanaya duqeymaha joogtada ah ee diyaaradaha Mareykanku gobolka Shabeellaha Hoose oo ka mid ah deegaannada ay ku xooggan yihiin.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]