3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 23, 2021
Ciidamada Uganda oo sheegay in ay mar kaliya dileen 189 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab

 

Sabti, Janaayo, 23, 2021 (HOL) -  Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM)  ayaa sheegay in ay mar kaliya dileen ugu yaraan 189 dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab weerar ay ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen.

Sida lagu sheegay war uu soo saaray ku xigeenka afhayeenka ciidamada UPDF Lt Col Deo Akiiki jimcihii, ciidamada Uganda waxaa ay weerareen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Al Shabaab oo ku taala deegaanka Siigaale oo qiyaastii 100 KM Koonfur Galbeed ka xigta magaalada Muqdisho kana tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Uganda ayaa sidoo kale sheegay in ay weerarkan ku burburiyeen qalab militari oo ay lahaayeen xoogagga Ururka Al-shabaab.

Sidoo kale wuxuu afayeenka xusay in iyaga wax khasaaro ah aysan soo gaarin, waxaana howlgalka ka qeyb qaatay Brig. Don Nabasa oo ahaa taliyaha ciidanka dhulka ee ciidmada Uganda.

Waa tiradii ugu badneyd oo ay Uganda sheegato in ay mar kaliya ka dishay Al-shabaab tan iyo markii ay soo galeen gudaha dalka Soomaaliya, mana jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca xoogagga Ururka Al-shabaab.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    















Click here
1/23/2021 1:53 PM EST
Sabti, Janaayo, 23, 2021 (HOL) -Larry King, oo ahaa wariye caan ah oo muddo dheer ka soo shaqeynayay TV ga CNN ayaa ku dhintay da'da 87 sano kaddib markii uu haleelay cudurka dunida faraha ba'an ku haya ee Covid 19.

1/23/2021 12:35 PM EST
Sabti, Janaayo, 23, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa lagu waramayaa in ay dib ula wareegeen degmada Raage Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

1/23/2021 12:25 PM EST
Sabti, Janaayo, 23, 2021 (HOL) - .Iyadoo ay sii kordhayaan qaraxyada iyo weerarada qorsheysan ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo qeybo kala duwan oo dalka ah ayaa lagu eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay dayacyada wax ka qabashada Amniga guud ee dalka.

1/23/2021 12:11 PM EST
Sabti, Janaayo, 23, 2021 (HOL) - Askari katirsan ciiddanka booliiska koonfur galbeed ayaa lagu xukumay dil kadib markii lagu helay inuu dilay qof shacab ah sanadkan.

1/23/2021 7:59 AM EST
Sabti, Janaayo, 23, 2021 (HOL) - Taliyaha ciiddanka bilayska gobolka Mudug ee Puntland gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire, ayaa sheegay in hal askari iyo qof shacab ah ay geeriyoodeen halka 8 kalena ay ku dhaawacmeen qarax miino oo lala eegtay ciidamada amniga Gaalkacyo.

1/23/2021 2:39 AM EST
Sabti, Janaayo, 23 2021 (HOL) - Qaraxan ayaa la eegtay gaari ay la socdeen mas'uuliyiin hore oo marayay degmada Shibis ee gobolka Banaadir, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan oo la xiriira khasaaraha ka dhashay Qaraxa.

1/23/2021 2:02 AM EST
Sabti, Janaayo, 23 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in xoogagga Ururka Al-shabaab subaxniamadii hore ee saakay weerar culus ku qaadeen deegaanka Raage Ceelle.

1/23/2021 12:39 AM EST
Sabti, Janaayo, 23, 2021 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa ka fekeraysa jihada cusub ee ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya (AMISOM), kuwaas toban sano kadib wajaheya mustaqbal aan la hubin iyadoo ay Soomaaliya weli ka jirto xasillooni la'aan.