4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 22, 2021
Dadaallo lagu xalinayo khilaafka doorashada oo socda

 

Jimco, Janaayo, 22  2021 (HOL) - Waxaa soconaya dadaallo la doonayo in xal kama danbeys ah looga gaaro muranka doorashada iyadoo mudo xilkeedka dowladda hadda jirta  ay ka harsan tahay wax ka yar 20 cisho.

Wakiilada beesha caalamka ayaa maalmihii ugu danbeeyayba kulamo gaar gaar ah oo dhinaca Internet ah waxaa ay la lahaayeen qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashada iyo waliba sidii  xal kama danbeys ah looga gaari lahaa khilaafka jira.

Gaar ahaan xubnaha beesha caalamka ayaa arintan doorashada kala hadlay madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland oo iyagu ka biyo-diidan hannaanka ay dowladda federaalka u maamuleyso doorashada.

Dhinaca kale kulan khadka talleefoonka ah oo dhaxmaray madaxweynayaasha shanta Dowlad gobolleed ee kala ah Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle  ayaa looga wada hadlay sidiii ley sugu soo dhawaan lahaa, iyadoo la tixgalinayo waqtiga ka harsan muddo xilkeedka dowladda hadda jirta

Beesha caalamka ayaa markan u muuqata mid dhinacyada oo dhan cadaadis ku saareysa in xal kama danbeys ah laga gaaro arrimaha doorashada iyadoo leysugu imanaya shir arintan looga wada hadlayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa wajaheysa cadaadis uga imanaya dhinaca beesha caalamka kuwaa oo sheegay in maadaama waqtigu gabo-gabo yahay qasab tahay in la qabto doorasho ay raali ka wada yihiin dhinacyada saameynta ku leh oo dhan iyadoo dhinaca kalana la tixgalinayo cabashada maamulada qaar iyo musharixiinta ka qabaan hanaanka ay dowladdu wax ku waddo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]